1191 Views

Mas’uuliyiin Iyo Dad Shacab Ah Oo Loo Diiday Inay Galaan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Mas’uuliyiin Iyo Dad Shacab Ah Oo Loo Diiday Inay Galaan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo| QOL | Febaraayo 27, 2019 –Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo loo diiday inay galaan Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah,kuwaasi oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan Abdi rashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa la sheegay in qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa iyo Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Garoonka in ay is gacan gaareen,isla markaana loo diiday inay Garoonka galaan.

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ka heleyso Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland halkaasi ay ku jir dileen Wariyeyaal ka howlgala Magaalada,iyagoona Garoonka dhexdiisa ay uga jajabeen qalabkii ay wateen.

Xildhibaan Abdi rashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka kuna howlan arrimaha la xiriira doorashooyinka Jubbaland ayaa waxa uu qorshahu in uu gaaro Kismaayo,hayeeshee Mas’uuliyiintii iyo shacabkii soo dhaweeyn lahaa ayaa loo diiday in ay galaan Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili xalay Golaha amniga Jubbaland ay amaro dul-dhigeen Musharixiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha la filaayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Jubbaland,waxaana ay uga digtay in ay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment