831 Views

Dowladda Mareykanka oo Mar kaler caawinaad militeri u ballan qaaday Ukrane..

Dowladda Mareykanka oo Mar  kaler caawinaad militeri u ballan qaaday Ukrane..
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay kordhineyso caawinaadda militeri ee ay siineyso Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Dmytro Kuleba, kaddib markii uu Poland kula kulmay madaxweyne Joe Biden.

“Ma jiro waddan kale oo aan ka helnay caawinaad ka badan tan uu na siiyay Mareykanka, waana mid aad muhiimu ah,” ayuu yidhi.

“Geesinnimada reer Ukraine iyo hubka Reer Galbeedka – oo intiisa badan uu nooga imaado Mareykanka – ayaa horseedaya guul aan kasoo hoyinno goobaha dagaalka.”

Ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca uu yahay garabka militeri ee ay ka heli doonaan Mareykanka, balse waxa uu yidhi: “Maanta waxaan ballamo dheeraad ah ka helnay Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynteenna ku aaddan dhinaca difaaca.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post