693 Views

Ciidamo Maraykan ah oo lagu weeraray dalka Ciraaq Qasaare ka dhashay.

Ciidamo Maraykan ah oo lagu weeraray dalka Ciraaq Qasaare ka dhashay.
____________________________________________________________________________

 

Axad February 7, 2021

 Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo Maraykan ah oo sahay u waday ciidamada kale ee Maraykanka ah ee jooga dalka Ciraaq ayaa lagu weeraray magaalo ku taala bartamaha dalkaas.

Wararku waxay sheegayaan in koox hubeysan oo la baxday ciidamada wax iska caabinta Ciraaq inay ciidamada weerareen ayagoo maraya meel banaanka ka ah magaalo la yiraahdo Musaayib oo ka tirsan gobolka Baabil.

Warbaahinta Ciraaq oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay inuu jiro khasaaro nafeed oo soo gaaray ciidamada la weeraray hase ahaatee faafaafin lagama bixin inta uu gaarsiisanyahay.

Dhanka magaalada ku taala waqooyiga dalka Ciraaq ee Koojo oo ka tirsan gobolka Sinjar maanta waxaa lagu aasay meydadka dad gaaraya 104 ruux oo qawmiyada Yasiidiyiinta u dhashay kuwaasoo sanadkii 2014 ay dileen dagaalamayaal ka tirsan ururka Daacish.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post