783 Views

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 15 2021–Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka iyo sidii Turkiga u taageeri lahaa qorshahaas.

Wasiirka ayaa maanta danjiraha ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda maaliyadda dalka, Turkiga waxaa uu yahay dal si weyn Soomaaliya u garab taagan sida, arrimaha amniga iyo guud ahaan dib u dhiska dalka.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka taageertaa dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tababarada Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post