270 Views

Khilaaf ka dhashay markab tahriibayaal sidday oo loo diiday inuu galo Talyaaniga

Khilaaf ka dhashay markab tahriibayaal sidday oo loo diiday inuu galo Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 6, 2022

Dowladda cusub ee midigta adag ee Talyaaniga ayaa 35 nin ka hor istaagtay inay ka degaan markab soo badbaadiyay muhaajiriin doonayay in ay ku deggaan deked ka mid ah kuwa Talyaaniga muddo labo toddobaad ah.

Laakiin waxay ogolaatay dowladdu in dadka qaar sida carruurta, haweenka iyo dadka xanuusanaya ay ku deggaan dekadda Sicily.,

Markabkan oo lagu magacaabo “Humanity 1” ayaa ka mid ah maraakiib sidda dad tahriibayaal ah oo sugaya ogolaanshaha inay ku degaan dhulka Talyaaniga.

Horey ayay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni u ballan qaaday, intii ay ku guda jirtay ololaheedii doorashada, inay qaaddi doonto tallaabooyin meesha ka saaraya muhaajiriinta u socdaalaya Talyaaniga ee ka imaanaya dalalka Waqooyiga Afrika iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka.

Talyaanigu waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka galaan tahriibayaashu Yurub. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 85,000 oo muhaajiriin ah ay doonyo ku gaareen Talyaaniga sanadkan 2022-ka

Muhaajiriin badan ayaa doonyo yar yar ku galaya badda Mediterranean-ka, kadibna waxaa soo badbaadiyay maraakiib inta ay safarka ku jireen.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa oggolaaday in 144 qof laga soo dejiyo markabka “Humanity 1”, oo uu ka babanayo calanka dalka Jarmalka.

Hay’add samafal ee leh markabka ayaa sheegtay in muhaajiriinta go’doonsan ay aad uga niyad jabeen tallaabooyinka ay qaadday dowladda Talyaaniga.

Petra Kreshuk, oo ka tirsan Hay’adda Save Our Lives Foundation (SOS), ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP in mid ka mid ah Muhaajiriinta uu la ildaran yahay xanuun dhanka neerfaha ah.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay: “Ka-hortagga dadka u baahan gargaarka oo loo diido inay ka soo degaan markabka waa xad-gudub sharciga caalamiga ah.”

Saddex markab oo kale oo siday 900 oo tahriibayaal ah ayaa codsaday inay galaan dekedda Talyaaniga, balse looma ogola in maraakiibtu ku xirtaan halkaa.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Meloni ayaa arrinta socdaalka ku sheegtay in ay hormuud ka tahay walaaca dowladeeda, xilli ay khudbadii ugu horeysay ka jeedisay Aqalka Congress-ka.

“Waa inaan joojinaa bixitaannada sharci darrada ah iyo ka ganacsiga dadka,” ayay tiri ra’iisul wasaaruhu, laakiin waxay ku nuuxnuuxsatay inaysan wax niyad ah u hayn “in ay cid kala hadasho magangalyada dadka ka soo cararaya dagaalka iyo cadaadiska”.

Wareysi ay siisay wargeys ayay ku sheegtay in mas’uuliyadda muhaajiriinta ku xayiran maraakiibta ay saaran tahay dalalka ay ka diiwaangashan yihiin maraakiibtaasi, haddii kale ay isu bedeli doonaan “maraakiib burcad badeedda”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post