894 Views

Madaxweyne Muuse Biixi oo qaabilay Wakiilka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo qaabilay Wakiilka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-22-2020–Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo maamulka Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska safaaradda ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Somaliland.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya  Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca safiirkana waxa ku wehelinaayey safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo masuuliyiin kale

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post