600 Views

Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo howlgal kula wareegay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo howlgal kula wareegay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo saaray warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin & degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay howlgalkii ugu dambeeyay ku qaadeen degaananda Mishaani iyo Doonka daafeedow, halkaas oo ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM Gen. Don William Nabasa  ayaa sheegay in howlgallada oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay qeyb ka ahaayeen hawlgallo isdaba-joog ah oo socda oo loogu talagalay in lagu sii yareeyo awoodaha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM ay weerareen 12-kii Bishii Febaraayo Tuulada Adimole, halkaas oo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab si ay u weeraraan fariisimaha ciidamada AMISOM.

“Ciidamada AMISOM oo  mas’uuliyad ka saaran Amniga gobolka Shabeellaha Hoose , waxay  qarxiyeen soona heleen tiro ka mid ah aaladaha Qarxa (IEDs)  oo ay kooxaha nabad-diidka ku aaseen waddooyinka waaweyn ee sahayda loo marsiiyo  Ciidamada AMISOM ayaa lagu yiri” Warbixinta howlgalka AMISOM.

Wakiilka Gaarka ah iyo Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada AMISOM qeybta 1aad guulaha ay ka gaareen howlgallada, isaga oo sheegay in howlgalladaan ay kordhinayaan amniga degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose oo mararka qaar ay weeraro ka dhacaan.

Warkan kasoo baxay taliska Ciidamada Uganda ee howlgalka AMISOM ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli Al-Shabaab ay weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ay ka fulinayaan degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post