1410 Views

Jeneraalkii Hoggaaminayay Ciidankii Itoobiya ee 2006 soo galay Soomaaliya oo geeriyooday

Jeneraalkii Hoggaaminayay Ciidankii Itoobiya ee 2006 soo galay Soomaaliya oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 29, 2019Warbaahinta Dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay geerida Jeneraal Abraha Woldemariam, oo ahaa Taliyihii Ciidanka Difaaca Itoobiya qeybta Koofur Bari.

Ninkan ayaa la xaqiijiyay in uu cudurka Kansarka ee ku dhaca wadnaha ugu geeriyooday Magaalada Bankok ee dalka Thailand.

Abraha Woldemariam, ayaa ka mid ahaa jenerraallada loogu aaminsanaa Dalka Itoobiya,waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea,waxaa kale oo uu hoggaamiye ka ahaa Ciidamadii Itoobiya ee 2006dii xasuuqa ka geystay Soomaaliya.

Bishii February ee sanadkan ayuu isaga fariistay Ciidamada,waxaana uu todobaad ka hor fasax caafimaad ka qaatay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Abraha Woldemariam, ayaa ka soo jeeda Gobolka Tigreega, markii uu xilkan ka fariisanayay waxaa uu Taliye ka ahaa Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Harar kuwaas oo u xil saarran ismaamullada Soomaalida iyo Oromada.

 

Sidoo kale waxaa Ninkan lagu beddelay Adam Mohamed oo ah Jeneraal ka soo jeeda Gobolka Amxaarada kaas oo uu Abiye u magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya.

Waxa kale oo isla todobaadkaas geeriyooday Jeneraal Gezae Aberra, oo isna 20 Sano u ahaa madaxii saadka ee Ciidanka Itoobiya inkasta oo uu hadda howlgab ahaa.

Isha:ezega.com/

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment