954 Views

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug oo xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii Farmaajo iyo Rooble..

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug oo  xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii Farmaajo iyo Rooble..
____________________________________________________________________________


Jimco: September 24, 2021

Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.

Cumar Shido ayyaa sheegay in bur burka shirka iyo caqabada ay ka timid dhinaca Villa Somaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post