414 Views

Cali Cabdirisaaq oo Maalmo kadib meydkiisa Saakay Laga helay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan

Cali Cabdirisaaq oo Maalmo kadib meydkiisa Saakay Laga helay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Waxaa saakay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan laga helay meydka wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in badda soo tuftay, wiilkan ayaana maalmihii lasoo dhaafay waxaa baadigoob ugu jiray eheladiisa.

Wiilkan meydkiisa la helay oo lagu magacaabo Cali Cabdirisaaq Maxamuud ayaa badda qaaday maalintii talaadada xilli uu ku dabaalanayay xeebta Liido, waxaana war iyo wacaal laga waayay tan iyo maalintaasi badda qaaday.

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Kaaraan ayaa gaaray xeebta Kawaan Bari ee laga helay meydka wiilkan dhallinyarada ah, ciidamada ayaana meydka wiilkan ku wareejiyay eheladiisa oo goobtaasi tagay.

Xeebta Liido dhallinyaro badan oo ku dabaalaneysay ayaa marar badan waxaa qaaday biyaha badda, waxaana inta badan la sheegaa in dhallinyarada qaarkood iyaga oon dabaal aqoon in haddana galaan badda taasina ay dhibaato kala kulmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post