1008 Views

Khilaafka iyo xiisada u dhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka

Khilaafka iyo xiisada u dhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Khilaafka iyo xiisada udhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo muddo dheer xulufo ku ahaa arrimaha gobolka Khaliijka, ayaa dhowaan soo shaac baxay.Halka xiisaddu ka bilaabatay ayaa ahayd shirkii OPEC ee toddobaadkan oo uu qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda.

Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka. Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaa uu ku diiday sababo ay ku sheegeen “inay iyaga ku noqonayso caddaalad darro”.

Si kastaba ha noqotee, khubarada iyo falanqeeyayaasha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in khilaafkan uu muujinayo xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraatka, oo muddo dheer ka wada shaqeynayay gobolka Khaliijka, arrimo kala duwan.

Marvan Alblushi, la-taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times, in “Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay aasaaseen iskaashi istiraatiiji ah muddo ku dhow 10 sano. Balse waxaa uu yiri” waxaan aragnaa in loolanka dhaqaale ee u dhexeeya dalalka Khaliijka uu xoogeystay dhawaanahan.”

Maxaa dhowaan ka dhacay Imaaraadka iyo Sacuudiga?

Tallaabo la xiriirta ganacsiga ayaa ka timid Sacuudiga isla markii ay Imaaraadku diidday shirkii OPEC +.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in cashuur dhaafka la hoosgeeyay Golaha Iskaashiga Khaliijka ee (GCC) uusan dabooli doonin badeecadaha laga soo saaray aagagga xorta ah iyadoo la adeegsanayo wax-soo-saarka Israel.Go’aankan wuxuu si dhow ula xiriiray Imaaraatka, oo ah dalka labaad ee ugu weyn ganacsiga Sacuudiga marka laga reebo Shiinaha.

Sababtoo ah wax soo saarka ugu badan ee Imaaraadka waxaa lagu sameeyaa aagagga bilaashka ah, iyadoo ay jiraan heshiisyo kala duwan oo cashuur, ganacsi iyo dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Imaaraatka iyo Israa’iil kuwaas oo qayb ka ah hanaanka caadiga ee bilowday sanadkii hore.

Dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan Bangiga Qaranka ee Sacuudiga laguna magacaabo Caamir Khayr Amiir Khaan oo la hadlayay Telefishinka Al-jazeera ayaa yiri, “Meesha ugu horeysa ee fikirka lagala baxay wuxuu ahaa in la sameeyo suuq GCC oo wadajir ah. Balse hadda waxaa muuqata in ahmiyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka ay aad u badan yihiin. midba midka kale ka duwan Go’aanka ugu dambeeya ee Sacuudiga ayaana ah in labada dal uu yahay mid ka tarjumaya kala duwanaanshaha danaha siyaasadeed,”.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah in Sacuudi Carabiya ay ka mamnuucday muwaadiniinteeda inay u safraan dhowr dal, oo Imaaraadku ku jiro sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid-19. Imaaraadku waa dalka kaliya eexubin ka ah GCC ee ku jira liiska wadamada la mamnuucay.

Intaa waxaa dheer, Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay dhisi doono shirkad diyaaradeed oo caalami ah taas oo qayb ka ah dadaalkooda si loo yareeyo ku tiirsanaanta dhaqaalihiisa dakhliga saliidda waxayna arrintaas ay samayn doontaa maalgashiyo.Hadalkan waxaa loo fasiray tallaabo sii kordhisay loolanka ka dhanka ah dalal ay ka mid yihiin Qatar, iyo Imaaraatka.

Halkee dhibaatadu ka soo bilaabatay?

 

Falanqaynta iyo faallooyinka la sameeyay, ayaa tibaaxaya in inkastoo labada dal ay xiriir dhow la leeyihiin marka laga hadlayo saaxiibtinimada shaqsiyeed ee amiirrada ilaa muddo sano ah haddana wixii ka dambeyay sanadkii 2019-kii waxaa bilowday dhibaato dhanka xiriirka ah .

Sanadkii 2019-kii Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu ka baxay isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudigu ee dagaalka kula jira fallaagada Xuutiyiinta Yemen,waxaana la sheegaa in halkaa ay ahayd halkii xurguftu ka soo askuntay.Qiyaastii hal sano kadib Imaaraadku wuxuu heshiis la saxiixday Israa’iil si loo hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya. Waxaa la ogyahay in Sucuudigu uusan raali ka ahayn in wadamada Carabtu ay Israel xiriir la sameystaan.

Ugu dambeyntiina, dowladda Sacuudiga ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay dalka Qatar, oo ay go’doomin galisay tan iyo sanadkii 2017-kii, markaa oo Mareykanku u kala dabqaadayay. Tallaabadaan ayaa soo ifbixisay inuusan Imaaraadku jecleysan sida wax u socdaan.Diblumaasi sare oo Carab ah oo lana hadlayay wargayska Wall Street Journal ayaa yiri, “Xumaanshaha xiriirka labada dal waxay ahayd kaliya wakhti go’an. Arintu waxay ka soo baxday shirarkii OPEC.”.

Dad badan, way ku adag tahay in ay saadaaliyaan sida xiisada hadda muuqata ee u dhaxeysa Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay ku dambeyn doonto.

Si kastaba ha noqotee, dhaq dhaqaaqyada uu Sacuudigu wado si loo yareeyo ku tiirsanaanta shidaalkiisa ayaa loo arkaa inay u badan tahay inay kordhiso xiisadaha iyadoo suurtagal ay tahay in la wiiqo mowqifka Imaaraadka ee gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post