630 Views

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo soo dhaweeyay mudo kordhinta la sameeyay

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo soo dhaweeyay mudo kordhinta la sameeyay
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey muddo kordhinta uu baarlamanku sheegay inuu sameeyey hay’adaha dowladda oo ah laba sano.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.”

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu ugu baaqayo shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen wax uu ugu yeeray “fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.”

Farmaajo sidoo kale ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray, hase yeeshee wuxuu uga digay faro-gelin.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post