462 Views

Ukraine oo sheegtay in diyaarado uu Turkiga siiyay ay Ruushka isaga dhicisay

Ukraine oo sheegtay  in diyaarado uu Turkiga siiyay ay Ruushka isaga dhicisay
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

Dowladda Ukraine ayaa shaaca ka qaadday in ciidankeeda ay adeegsadeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee uu ka iibiyay Turkiga, arrintaas oo xukuumadda Ankara ay u muuqatay in ay qarineysay.

Warbixin uu daabacay wargeyska Financial Times ee kasoo baxa dalka Britain ayaa lagu sheegay in militeriga Ukraine ay Ruushka isaga caabiyeen diyaaradaha lagu magacaabo Bayraktar, oo Turkiga ay ka heleen, iyagoo mahad celin weyn u jeediyay Turkiga.

Ciidamada Ukraine ayaa isticmaalka diyaaradahan u bogay, waxayna gaadheen heer ay sameystaan hees ay ku sheegayaan sida ay awood ugu yeesheen in ay jabiyaan askarta Ruushka, sida uu wargeysku ku sheegay warbixintiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa boggeeda Twitter-ka ku shaacisay sawirrada xayawanano ay ugu magac dartay diyaaradda Turkiga uu sameeyay ee la yiraahdo Bayraktar, iyagoo astaan uga dhigaya dabaaldegga ay u sameynayaan sida ay diyaaradahaas uga caawiyeen in ay burburiyaan taangiyada Ruushka iyo gantaallada rakiban.

Mahad celinta Ukraine waxay lid ku tahay isku dayga uu Turkigu ku doonayay inuu uga gaabsado arrinta la xiriirta inuu Kyiv ka iibiyay diyaaradihiisa casriga ah ee uusan duuliyaha saarneyn.

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqatay inay ka baqeyso in ay ka careysiiso Moscow, halka ay iska dhigeysay in doorkeedu uu yahay waddan dhex dhexaad ka ah dagaalka.

10-kii bishan March, 2022-ka, Turkiga waxa uu marti geliyay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Ukraine, kuwaasoo ka qayb galay shirka heerka sare ee diblomaasiyadeed ee ay wadahadalka ku yeesheen labada dhinac tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.

Ruushka ayaa Ukraine weerar ku qaaday 24-kii bishii lasoo dhaafay ee Februay, walina waxaa socda iska caabinta ciidamada Ukraine oo difaacaya magaalooyinka ay militeriga Putin isku dayayaan in ay la wareegaan.

War bixinta Financial Times waxaa lagu xusay bayaan uu soo saaray Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga oo sheegay in diyaaradaha ay Ukraine isticmaaleyso aysan ahayn kuwo uu Turkigu ku caawiyay balse ay yihiin kuwo laga iibsaday shirkad Turki ah.

Taxaddarka Turkiga ayaa muujinaya xiriirka iyo isbahaysiga aan la fahmi karin ee ka dhaxeeya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Ankara ayaa horay usoo iibsatay gantaallada casriga ah ee Ruushka, tallaabadaas oo ka careysiisay xulafadooda ay iskula jiraan Isbahaysiga Reer Gabeedka ee Nato.

Erdogan ayaa dhaliilay dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, balse waxa uu kasoo hor jeestay cunaqabateynnada ka dhanka ah Moscow, maadaama Turkigu uu ku tiirsan yahay qamadiga Ruushka iyo dalxiiseyaasha uga imaada waddankaas. Intaas waxaa sii dheer in Turkiga uu tamartiisa korontada inteeda badan ka keensado dhinaca Ruushka.

Ka qeyb galka Dagaalka ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah mid sii kordheysa oo muhiimad gaar ah u leh iskahorimaadyada adduunka oo dhan.

Diyaaradaha Drones-ka Bayraktar ee Turkiga ayaa waayadii dambe caan ahaa, waxaana ay qayb ka ahaayeen dagaallo badan oo ka dhacay meelo ay ka mid yihiin Liibiya iyo Itoobiya.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradahan ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post