2268 Views

-Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Buulo-Burde

-Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 04, 2018-Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray saraakiil uu hoggaaminayo Abaanduulaha  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wafdiga Abaandulaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyaga oo kulamo la soo qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha la socota ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Sarakiisha Ciidamada xoogga ee ku sugan degmadaas,iyaga oo kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Buulo-Burde waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay dhowr mar sheegeen inay go’doonka ka qaadi doonaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment