387 Views

Xaalada Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo soo hagaagaysa kadib markii laga helay cudurka Covid-19,.

____________________________________________________________________________

 


khamiis: July 21, 2022

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa laga helay cudurka Covid-19, waxa una hadda ku karantiilan yahay Aqalka Cad.

79 jirkan ayaa horay si buuxda looga tallaalay fayraska, labo jeer ayuuna soo qaatay tallaalka Covid.

Hadda waxa uu leeyahay calaamado “aad u xaddidan” oo muujinaya cudurka, waxa uuna sii wadan joogaa gudashada waajibaadkiisa, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.

“Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaadanaya dawada Paxlovid oo ka hor tagta inuu cudurku jirka waxyeello ba’an u gaysto,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay afhayeenkiisa.

Marwada Koowaad ee Mareykanka, Jill Biden, ayaa sheegtay in seygeeda “uu fiican yahay”, iyadana laga waayay xanuunka.

Sida uu qabo xeerka Aqalka Cad, madaxweynaha ayaa shaqada wadan doona isagoo karantiil ku jira, ilaa cudurka laga waayo, sida ay shegetay Ms Jean-Pierre.

Shirarka ayuu uga qayb geli doonaa qaab maqal iyo muuqaal ah, isagoo adeegsanaya Zoom.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post