678 Views

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken oo booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal maalmaha soo socda

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken oo  booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal maalmaha soo socda
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 20-ka November, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Abuja.

https://6721b9e40ae667e2c7e77d8624c9aaf0.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Safaaradda ayaa tibaaxdey in booqashadu si qoto dheer ay hoosta ka xariiqi doonto ballaadhinta xiriirka ay Washingtion la leedahay saaxiibadeeda Afrika.

Ujeedka Socdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo Kenya ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya.

Dhinacyada ayaa waxey ka wada hadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan.

https://6721b9e40ae667e2c7e77d8624c9aaf0.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, wuxuuna dalkaas ku leeyahay saldhig military kaas oo uu ka maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

“Xoghayaha waxa uu horumarin doonaa iskaashiga Mareykanka iyo Kenya ee ku aaddan joojinta COVID-19, hagaajinta helitaanka tamarta nadiifka ah iyo ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Blinken ayaa kadib wuxuu u safri doonaa Abuja, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha, Major General Muhammadu Buhari (retd.), Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Geoffrey Onyeama isaga oo kala hadlay nabadda qaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post