756 Views

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in farmaajo uusan ka jeclayn musharixiinta kale.

Madaxweynaha  Galmudug oo sheegay in farmaajo uusan ka jeclayn musharixiinta kale.
____________________________________________________________________________

  

 

April 11-4-2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)  ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada Dalka iyo sida ay musharixiinta aaminsan yihiin oo ah in uu ka jiro dhinaca Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo oo uu garabkiisa yahay.

Qooq Qoor oo waraysi siiyay markii ugu horaysay Tv-ga Soomaali Cable ayaa sheegay in farmaajo uu ula siman yahay musharixiinta kale, waxa uuna faah faahin kooban ka bixiyay sida shirkii Afisyoone, cabsida laga qabo in la sameeyo muddo kororsi horleh.

Wareysigan oo hordhiciisa lasii daayey ayaa Qoor Qoor waxa uu kusoo hadal qaaday xiriirka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaama uu ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa shaaca ka aaday haddii uu Farmaajo si rasmi ah ugu dhowaaqo musharraxnimadiisa uu ula mid noqon doono musharraxiinta kale ee sanadkan 2021-ka u tartamaya xilka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post