1236 Views

Soomaalida iyo Canfarta oo isku mari la’ wadaxaajoodk colaadda ka taagan

Soomaalida iyo Canfarta oo isku mari la’ wadaxaajoodk colaadda ka taagan
____________________________________________________________________________


Sabti: September 4, 2021

 Maamullada Soomaalida iyo Canfarta ayaa lagu soo warramayaa in ay isku mari la’ yihiin wadaxaajood ku aaddan colaadda ka taagan deegaannadii ay dhawaan ku dagaallameen, wadahadalladaas oo uga socda magaalada Awaash.

Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa u kala dab qaadaysa labada dhinac oo colaaddoodaa ay salka ku hayso deegaanno ay ku muransan yihiin.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo, ayaa waxaa xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaari karaa.

Go’aanka guddiga doorashooyinka ayaa waxaa si weyn uga biyo-diiday maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyaga oo qoray warqad ay ku sheegeen iney marnaba aqbaleyn dhul uu deegaanka Soomaalida leeyahay in deegaan kale la hoos geeyo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post