1020 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ridey

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ridey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 12, 2020 —Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku ridey Nin lagu eedeeyey in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish,isla markaana dil uu geystay.

 

Ninka xukunka lagu ridey oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Maxamed ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxaa ay ku eedeysay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish,isla markaana Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Siinaay uu ku diley Askari ka tirsanaa Ciidamada ilaalada deegaanka Xamar.

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ninkaan uu Kooxda Daacish uga biirey Buuraleyda Goolis ee Gobolka Bari,isla markaana xilliga la qabanayay uu diley Kormeere Saddexad Marxuum Maxamed Cabdi Dhuxulow oo ka tirsanaa ilaalada deegaanka Xamar.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ninkaan Maxkamadeyntiisa ay soo martey heerar kala duwan ugu dambeyna lagu ridey xukun dil toogasho ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment