894 Views

Shirka Maalgashiga Puntland oo Maanta furmaya

Shirka Maalgashiga Puntland oo Maanta furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Maglada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah uu ka furmo Shirka maalgashiga dowlad goboleedka Puntland,kaas oo socon doono mudo Saddex Maalmood ah.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxda Shirkado Caalami ah & ganacsato ka imaanaya dalalka geeska Afrika,si ay u arkaan fursadaha maalgashi ee ka jira deegaannada Puntland,iyada oo lagu wado in uu shirkaasi furo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan inay shirkaasi ka qeyb-geli doonaan Madaxweynayaasha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya oo ay wehlinayaan ganacsato & Lataliyayaal.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in shirka uu khudbad ka jeediyo,isaga oo kaga hadli doono meelaha Puntland ay dooneyso in laga maalgashto & qodobo kale.

 

Ammaanka Magalada Garoopwe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Maanta siweyn halkaasi looga dareemayaan diyaar garowga furitaanka shirka Maalgashiga Puntland oo Saacadaha soo socda furmi doona.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment