1116 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo tababar ugu soo xidhay Ciidan Booliska ah

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo  tababar ugu soo xidhay Ciidan Booliska ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: luliyo 1 2021

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tababar ugu soo xidhay in ka badan 700 (Todoba boqol) oo Ciidanka Booliska ah oo Dugsiga tababarka Lixle ee Mandheera maanta ka soo baxay.

Munaasibad ay ku qalin-jebinayeen dufcadani oo ahayd dufcadii 33 ee ka aflaxday dugsiga tababarada ee lixle ee degmada Mandheera waxaana Madaxweyne ku-xigeenka kala qayb-galay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Taliyayaasha Ciidamadda Booliska, Illaaladda Xeebaha Asluubta iyo Laanta Socdaalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Dufcadani tahay dhalinyaro aqoon-yahanno ah si wanaagsana u bartay sharciga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradani aqoon-yahanka ah ee maanta kusoo biirtay Ciidanka Booliska Somaliland waxaanu yidhi

“Maanta waxa la idin baray aqoon-buuxda waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad dul-qaad muujisaan booliska waa la maagaa oo waa la caayaa waayo tuugtii aad soo xidheen ayaa idin caayaya iyo kii falalka dambi ku jiray dulqaadkeeda lahaada oo aqoonta sii kordhiya “.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamadan cusub ee maanta tababarka loo soo xidhay waxaanu ku adkeeyay inay la yimaadaan cadaalad iyo raacista sharcigii lasoo baray waxaanu yidhi

“Ciidanka Boolisku baahi weyn ayuu u qabaa dhalinyaradan oo kale maadama lodkii hore ay shaqada ka fadhiisanayaan idinkaa xilka la wareegaya waxa laydinka baahan yahay inaad ilaalisaan midnimada iyo wadajirka dalka, waxa laydinka baahan yahay in qofka dambiilaha ah aydaan u eegin xigto iyo qaraabo dadkeena mushkilada haysaa waa taas, inaad wax ka qabataan ayaa laydinka rabaa”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post