1419 Views

R.W Kheyre iyo Madxweyne Laftagareen Oo kulan ku yeeshay Muqdisho

R.W Kheyre iyo Madxweyne Laftagareen Oo kulan ku yeeshay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen).

Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa sidoo kale shalay waxaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee DFS kuwooda kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa iska xog waraystay  xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay  in la joogo xilligii loo midoobi lahaa wax u qabashada bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa labadii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment