798 Views

Shir looga hadlay arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

Shir looga hadlay arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 10, 2021

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, Hay’addaha Qaramada Midoobay, NGO-yada iyo wakiilada Bulshadda rayidka ah, kuwa gaarka loo leeyahay, dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, waxaa shirka diiradda lagu saaray arrimaha Bini’aadanimo ee xilligan ka jiro Soomaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan noqotay in wadajir looga hortago macluul daran oo ka dhacda Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa hooggaanka Ra’iisulwasaaraha XJFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku dhawaaqay in arrintan ay tahay Masiibo Qaran, waxaana taageero buuxda siineynaa sidii dhibaatada loo dhimi-lahaa loogana hortagi lahaa in xaaladda ay ka sii darto. Waxaan rumeysanahay horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya laga sameeyay shanti sanno ee la soo dhaafay iyo khatarta abaarta ay ku yeelan karto guulihii horay loo gaaray,” ayaa lagu yiri war-.

“Waxaa cad saameeynta ay abaarta ku yeelatay haweenka, carruurta iyo dadka naafadda ah, waxaa qasab ah inaan mudnaan gaar ah siino xaaladdahan Bini’aadanimada iyadoo aan aqoonsanahay baahida deg deg ah ee loo qabo in la sameeyo wixii aan awoodno si loo badbaadiyo nolosha dadkeena.” Ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxaa intaas lagu sii daray, “Waxaan casharro ka qaadanaynaa macluushii ba’aneed ee 2011, 2012 iyo 2017, waxaanan go’aansannay inaan qaadno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si aan uga fogaanno khaladaadkii markaas la sameeyay, iyo inaan horumarinno wax-ka-qabashada wadajirka ah Colaado iyo abaaro ayaa meelo badan oo dalka ka mid ah u horseeday cunto yari, daaqa iyo biyaha ayaa gabaabsi noqday inta badan dhul-daaqsimeedkii ay abaartu saamaysay taasoo sababtay dhimasho iyo barakac xoolo iyo deegaan,”

“Waa in la qaadaa tallaabooyin dheeri ah oo wax ka qabasho leh haddii ay suurtagal tahay, barnaamijyada iyo mashaariicda jira ee looga faa’iideysanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen: abuurista iyo wadaagista xogta saxda ah iyo xogta si loo taageero jawaabta, koror laxaad leh oo ku yimid tabarucaad maaliyadeed oo shaqsi ah, shirkadeed, UN, Saaxiibadda Caalamiga ah, qurbajoogta iyo ka-qaybgalka macnaha leh oo wax-ku-ool ah ee qaab-dhismeedka isuduwidda ee la aasaasay,”

“Waxaan carrabka ku adkeynaynaa, gaar ahaan, doorka NGO-yada caalamiga ah iyo kuwa qaranka, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, ee bixinta gargaarka naf-badbaadinta iyo taageerada hab-nololeedka ee dadka u baahan, Masuuliyadda ka saaran warbaahinta madaxa bannaan oo ah ilaaliye firfircoon, iyo soo gudbinta wararka joogtada ah ee daahfurnaanta leh ee ku aaddan abaaraha iyo sida ay uga jawaabayso beesha caalamka iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya labadaba.” Ayaa lagu daray war-murtiyeedka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post