2262 Views

Taabit Cabdi: Shaqaalaha Shirkada Hormuud waxaa beegsanaya Kooxda Daacish.

Taabit Cabdi: Shaqaalaha Shirkada Hormuud waxaa beegsanaya Kooxda Daacish.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | November 23, 2018Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay dilalka loo geysanayo Shaqaalaha iyo maamulka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in Hormuud beegsi ku heyso Dacaish, lagana dilay ku dhowaad 10 kamid ah Shaqaaleheeda, Sababta ayuu ku sifeeyay in laga doonayo lacago.

Halkan ka Aqriso Qoraalka Taabit uu ku soo daabacay Bartiisa Facebook.

Hormuud Telecom, waa shirkad si guud u matasha bulshada Soomaaliyeed marka la eego tirada shaqaalaheeda, saamileyda iyo dadka ku xiran adeegyada ay bixiso, waxaana ku tilmaami karaa tiir dhexaadka bulshada Soomaaliyeed.

Maalmihii dambe waxaa si bareer ah loo toogtay ku dhowaad 10 ruux oo shaqaalaha shirkadda ka mid ahaa, kuwaas oo ay dileen kooxda Daacish markii ay shirkadu diiday lacago baad ah oo laga dalbaday, si ummada Soomaaliyeed loogu gumaado.

Fal-celinta arrintaas iney dil noqoto inaguna aan fiirsano waa nasiib daro. Gumaadka ku socda shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom wuxuu galaafanaya nolasha dadkeennii qiimaha lahaa, wuxuu niyad jabinaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna dhabbe u furaya lacagaha sida dulmiga ah looga qaado ganacsata Soomaaliyeed.

Waxaan tacsi u diraya shirkada Hormuud iyo ehelada dadkii sida gardarada ah ay cadowgu u dileen, anigoo caafimaad u rajeynaya kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada u jiifa dulmigaas. Waan ka xumahay in cadowgu ay si fudud maalin walba wax ku dilaan, kuna baxsadaan.

Waxaan soo jeedin lahaa in shacab iyo Dowlad intaba laga dhiidhiyo arrintaan, oo la garab istaago Hormuud Telecom, si cadowgu u arkaan isku duubni iyo cudud mid ah, waxaan kaloo hay’addaha amniga usoo jeedin lahaa iney si gaar ah ula socdaan fal-kaan lagu beegsanaayo Hormuud Telecom.

Hadii aan arrintaan indhaha ka fiirsano, waxay ina dhaxalsiin kartaa cawaaqib-xumo bulsha ahaan iyo dhaqaale ahaan ina wada saameysa.

Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrintaan.

 

Mahad-badan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment