789 Views

Wariye u dhashay dalka Marooko oo lagu xukumay shan sano oo xarig ah

Wariye u dhashay  dalka Marooko oo  lagu xukumay shan sano oo xarig ah
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Saxafi caan ah oo ku xeel dheer barnaamijyada baaritaanada ee dalka Marooko ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ku kacay fal anshax xumo ah.

Suleeymaani Raysuuni ayaa beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay isagoo ku jiray 93 maalmood oo uu cunnada ka soomay si dammaanad loogu sii daayo.

Taageerayaashiisa ayaa rumeysan in xukunkiisa uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed.

Xaaskiisa Kholoud Mokhtari ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP talaadadii in qareennadiisa ay arkeen maalin ka hor. Aad buu u daalay, ayay tiri. “Wuxuu ku dhow yahay inuu dhinto.”

Raissouni wuxuu bilaabay shaqo joojinta bishii Abriil isagoo dalbanaya in si kumeelgaar ah loo sii daayo, isagoo xabsi ku jira in ka badan hal sano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post