738 Views

Deni oo Sharci darro ku tilmaamay Shan Xubnood oo Golaha Wasiirada xilka siihaya Magacaabeen

Deni oo Sharci darro ku tilmaamay Shan Xubnood oo Golaha Wasiirada xilka siihaya Magacaabeen
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL|Auus 02-2020-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Gaalkacyo uga qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Puntland, ayaa ka hadlay arrimo kamid ah xaalada Amni ee Puntland iyo xaalada siyaasadeed eedalka iyo isbedeladii dhacay.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Aas’aaskii Maamulka Puntland uu horseed u noqday Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii iyo hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, guulo ay kamid yihiin,sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

Isaga oo ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee Soomalaiya ayuu Madaxweyne Deni ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan kasoo horjeestay riditaankii Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isaga oo sheegay in looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo Shirka Magaalada Dhuusamareeb

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post