1233 Views

Dowlada Qatar Oo Taageero Cusub U Balan Qaaday Soomaaliya

Dowlada Qatar Oo Taageero Cusub U Balan Qaaday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 29, 2019 —Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Taageera Soomaaliya,waxaana dhawaan dalkaasi safar ku tegay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (amar-dambe),isaga oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.

Shalay gelinkii dambe ayuu dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho,waxaana uu sheegay in dowladda Qatar ay dowladda Federaalka Soomaaliya balan qaad Cusub u sameysay kaas oo ku aadan dhinaca Ciidamada.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Wasiirka ayaa waxa uu ku sheegay in dhigiisa dowladda Qatar ay isku-afgarteen wadashaqeyn dhow inay yeeshaan,isla markaana dowladda Qatar ay balan qaaday inay garab istaagi doonto Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment