3435 Views

Madaxweynaha oo ka qayb galay shirki 26aad ee Madaxda Afrika

Madaxweynaha oo ka qayb galay shirki 26aad ee Madaxda Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30 January, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu ka bilaaban doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Shir  ayaa arrimaha ugu waaweyn ee quseeya Qaarada Afrika taas oo ay mid tahay qaadi doono, waxana ka dhibaatooyinka ka taagan Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha,marka la gaaro sannadka 2020.

Waxaa kale oo shirkaan bar-bar socda shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale oo madasha imaan doonto

Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka hada socda.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment