15321 Views

11 Darawal Tagsiilayaal kasoo laabtey aaska saaxiibkood oo la dilay

11 Darawal Tagsiilayaal kasoo laabtey aaska saaxiibkood oo la dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 22, 2018 –  Kow iyo toban ruux oo ah wadayaasha gawaarida loo yaqaanno taxiyada ,ayaa ku dhintay dalka K/Afrika,kadib markii nin hubeysan uu rasaas la beegsaday dadkaasi oo saarnaa gaari mini bas ah,sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boliiska.

Afhayeen u hadlay ciidamada Boliiska  ayaa sheegay manta oo Axad Ah inwadayaasha gawaarida Taxiyada ee la laayey ay ku siii jeedeen guryohooda,Kadib kolkii ay ka yimaadeen mid ka janaasada ama duugta nin saaxiibadood ah oo dhintay .

Shilkaasi dhimashada ah oo u dhacay si gaadmo ah ayaa lagu waramayin laga fuliyay gobolka KwaZulu-Natal .

Afar ruux oo ka mid ahaa dadkii lagu weeraray gaarigaasi ayaa la xaqiijiyay in ay liidato xaaladdooda caafimaad

Bishii  April ee la soo dhaafay ,rag hubeysan ayaa ku soo qamaamay goobaha laga raaco Taxiyadaee magaaladas Durban,halkaas oo ay ku dhinteen hal ruux ,isla markaana ay ku dhaawacmeen qof kale,waxaana ciidamada Boliiska ay falkaasi u xireen 16-ruux.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment