771 Views

Mareykanka oo iska fogeeyay mas’uuliyadda rayid uu ku dilay Afghanistan

Mareykanka oo iska fogeeyay mas’uuliyadda rayid uu ku dilay Afghanistan
____________________________________________________________________________

.

Talaado: December 14, 202

Mareykanka ayaa iska fogeeyay in uu leeyahay mas’uuliyadda duqeyn ay fuliyeen diyaaradihiisa duulliye la’aanta (Drones) saacadihii ugu dambeeyay waqtigii ka bixitaanka Dalka Afghanistan oo ay soo afjarayeen joogitaankooda 20 sano.

Duqeynta waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 10 qof oo rayid ah, halka ay dhaawacmeen dad kale, Mareykanka ayaa xiliga uu fulinayay weerarkaas waxa uu ku sheegay in uu kahor tagayay qaraxyo Daacish ay la damacsaneed.

Mareykanka ayaa mar sameeyay qirasho, waxaana uu sheegay in uu bixinayo magta dadka uu dilay oo uu xaqiijiyay in ay rayid ahaayeen balse Saraakiil katirsan Washington ayaa shaaciyay in Militariga Mareykanka aanay qaadeyn mas’uuliyadda eeddaas.

Arrintaan waxa ay u muuqataa in Mareykanka uu ka xuubsiibanayo bixinta magta dadkaan rayidka ah oo u badan xubno isku qoys ah, qaar kamid ah dadka waxa ay kamid ahaayeen kumanaanka ruux ee baxsadka ka ahayd Taliban oo xiligaas maamulka Dalka qabsatay.

Saacadihii ugu dambeeyay ee bixitaanka Mareykanka oo ku beegan dhammaadka August 2021 waxa uu bixiyay digniin daba socotay qaraxyo lagu dilay 13 Askari oo Ameerikaan ah & Dad rayid ah waxaana ku dhaawacmay in ka badan 170 ruux.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in dib u eegis rasmi ah ay ku talisay si loogu adeegsado habab cusub oo la xiriira weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse ma jirto loo ciqaabayo dhacdada.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo John Kirby ayaa sheegay in cadeymaha ay muujinayaan in aysan jirin wax dayacaad, anshax xumo ama hoggaan xumo ah oo ka timaaday dhanka kooxdii fulisay weerarka.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa 18kii September 2021 soo jeedisay in la baaro duqeymaha Mareykanka uu ka geystay Dalalka kala ah Somalia, Syria, Iraq & Afghanistan maadaama ay tuhmeyso in rayid waxyeelo loogu geystay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post