708 Views

Wafdi ka socda Jubbland uu Hogaaminayo axmed Madoobe oo ku soo wajahan Muqdisho

Wafdi ka socda Jubbland uu Hogaaminayo axmed Madoobe oo ku soo wajahan Muqdisho
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Waxaa lagu wadaa in uu  maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam( Axmed madoobe).


Wararka aya sheegaya in ay socoto qaban qaabada Xildhibaano ka tirsan Jubbalnd iyo Mucaaradka ay ku soo dhawaynayaan Axmed Madoobe oo lagu wado in saacadaha soo socda uu soo gaaro Garoonka Muqdisho.

Maodoobe ayaa lagu wadaa in uu ka Qeyb galo shir ka dhici Doono Xalane oo lagu dhamees tiri doono Hishiiskii 17ka Septeembar 2020, kaasi oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhacayo 2021.

Sidoo kale Dhowr jeer oo hore ayuu baaqday shir uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama maamulada Puntland iyo Jubbaland ay shuruud ku xireen in la helo meel amni oo lagu qaban karo shirka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post