747 Views

Dad gaaraya 100 qof oo lagu laayey shalay dalka Niger

Dad gaaraya 100  qof oo lagu laayey shalay dalka Niger
____________________________________________________________________________

Axad Jan 3, 2021

Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay inay yihiin mintidiin Islaami ah ayaa weerartay laba tuulo oo ka tirsan dalka Niger, halkaasi oo ay ku dileen ilaa 79 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qiyaastii 49 qof ayaa lagu dilay halka 17 kalena lagu dhaawacay tuulada Tchombangou, halka 30 kalena ay ku dhinteen tuulada kale ee Zaroumdareye. Labadani tuulo ayaa ku dhow xadka dalka Niger uu la wadaagto Mali.

Rabshado ayaa in dhawaale ka dhacayay gobolka Saaxil ee qaaradda Afrika, kuwaasi oo ay geysteen kooxo mintidiin ah.

Dowladda Faransiiska ayaa shalay sheegtay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay dalka Mali.

Saacado ka hor, kooxda xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay seddex askari oo u dhashay dalka Faransiis oo Isniintii ka dhacay dalka Mali.

Faransiiska ayaa hoggaaminayay ciidamada xulafada galbeedka Afrika iyo kuwa reer Yurub ee ka dhanka ah mintidiinta islaamiga ahi ee gobolkaasi galbeedka Afrika.

Haseyeeshe wadamada sida Niger iyo Mali ayaa waxaa saameeyay rabshadaha ku saleysan qowmiyadaha, tahriibinta dadka, falal burcadnimo iyo ka ganacsiga daroogada.

Dowladda ayaa warbaahinta Faransiiska ee RFI u xaqiijisay warka ku saabsan weerarradan ugu dambeeyay ee lagu qaaday labani tuulo ee ku yaal dalka Niger.

Wasiirka arrimaha gudaha Alkache Alhada ayaa sheegay in ciidamo loo diray deegaannadaasi si ay ammaanka u sugaan balse ma sheegin inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay weerarradaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post