1203 Views

Qaaraan Lacageed Oo Loo Ururiyey Qaxootiga Ku Nool Xeryaha Ku Yaalla Kenya

Qaaraan Lacageed Oo Loo Ururiyey Qaxootiga Ku Nool Xeryaha Ku Yaalla Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Hoteelka Intercontinental hotel ee magaalladda Nairobi waxaa lagu qabtay Munaasabad Afur oo ay ka qeyb galeen Diplomaasiyiin, Ganacsato, xubno ka tirsan Dowladda Kenya, Culumaa’udiin iyo Wakiilo ka kala socday QM iyo Hay’addaha kale ee Caalamiga ee fadhigooda yahay Kenya.

Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga (UNHCR) waxay ku guuleysteen inay muddo 2 saacadood ku ururiyaan in ka badan 15 million oo Shillinka Kenya oo u dhiganta 150,000 oo Dollaar, taasi oo loogu talagalay in loo adeegsado W/barashadda dadka Qaxootiga ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Wakiilka Hay’adda UNHCR u joogta dalka Kenya, Fatxiya Cabdalla ayaa sheegtay inay Munaasabadda Afurka  dhiiri-gelisay in si wadajir ah hal habeen taageero loogu ururiyo dadka dhibaataysan ee la doonayo in loo maalgeliyo tacliintooda.

Munaasbadaasi waxaa dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya, Ambassador Yuusuf Nazibo iyo Ambassador Maxamed Mahad, Xoghayaha Fulinta Ururka IGAD, Maxbuub Macallim, Guddoomiyaha Gobalka Garissa, Cali Bunow Qorane, Wakiilo ka kala socday Xukuumadda iyo Barlamaanka Kenya, oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamuud Sheekh Mxaamed oo laga soo doorto Koonfurta Wajeer, Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Xaafadda Kamukunji ee Nairobi,Guddoomiyaha Gnaacsatadda Xaafadda Islii, Ibraahim Xuseen iyo Diplomaasiyiin ka kala socotay Safaaradaha Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

 

Ka-qeybgalayaasha Munaasabadda Qaaraanka lagu ururiyey waxay sheegeen inay dhamaan Lacagahaasi si toos ah wax looga qaban doono W/barashadda Qaxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

 

Dhinaca kale, Inta  badan carruurta Qaxootiga ee ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ma helaan W/barashadda Asaasiga oo keliya, halka in ka badan saddex duleel oo labo, carruurta qaxootiga ee gaartay da’da Waxbarashadda ma haystaan Adeegga Dugsiga Sare, iyadoo 87% dhallinyarada Qaxootiga ma helaan W/barashadda Dugsiga Sare.

 

Si kastaba ha ahaatee,in ka badan 450,000 oo Qaxooti ayaa ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha Kenya, kuwaasi oo 77% ah haween iyo carruur.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment