702 Views

Axmed Madoobe oo cadeeyay mowqifkiisa in Baarlamaanka la horgeeyo heshiiskii doorashada

Axmed Madoobe oo cadeeyay mowqifkiisa in Baarlamaanka la horgeeyo heshiiskii doorashada
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 21 2020
—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay hehsiiskii doorasho oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in go’aanadii ay Madaxdu gaareen kaliya uu aha heshiis, balse aysan aheyn xeer, isaga oo u muuqday mid ka jawaabayay hadalkii Madaxweyne farmaajo ee ahaa in heshiiska doorashada la horgeyn doono Golaha Shacabka.

“ Waxaad ogaataan in heshiiskaas uusan xeer aheyn balse uu yahay xalka ugu dambeeya ee aan isla aragnay oo doorasho lagu geli karo, una baahneyn in la ansixiyo ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dalka uu ka xuroobi doono in qabiil wax lagu qeybsado,sida doorashada Xildhibaannada, isla markaana loo gudbi doono in hab degaan wax lagu soo doorto.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo aadayaa xilli Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ay dalbadeen in la horkeeno heshiiskii doorasho oo ay gaareen Madaxweyne Farmaao, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post