3201 Views

Cosoble oo taageeray isbaheysiga Sacuudiga

Cosoble oo taageeray isbaheysiga Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 August 2017 – Madaxweynihii Xildhibaanada Hirshabeelle ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen,laakiin wali sheegaya in uu  yahay Madaxweynaha Hirshabeelle  ayaa taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka, Warsaxaafadeed ku qoran luqadda English-ka oo kasoo baxay Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa looga hadlay xiisada ka taagan dalalka Khaliijka.

Cali Cabdullaahi Cosoble sheegay in xiriir soo jireen ah oo ku saleysan amniga iyo ganacsiga uu kala dhexeeyo Imaaraadka iyo Sacuudiga , sidaasi darteed ay garab taaganyihiin saaxiibadood Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Sacuudiga ay si buuxda u taageerayaan .

Maamulka Puntland ayaa shalay sheegay in ay taageersan yihiin Xulufada Sacuudiga.

Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dib u eegto go’aanka ay ka istaagtay arrinta, oo hadii aan laga fiirsan saameyn xun ku yeelan kara dadka Soomaaliyeed.

2

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment