810 Views

Maxay tahay sababta Uganda hay’adaha gargaarka shaqada uga joojisay?.

Maxay tahay sababta Uganda hay’adaha gargaarka shaqada uga joojisay?.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 13 2020—Dowladda Yugaandha ayaa dhawaan hakisay howlihii ay wadeen 208 urur oo ka shaqeeya arrimaha qaxootiga. Hay’adaha ayaa shaqada looga joojiyay sababo la xiriira u hogaansanaan la’aanta shuruucda Uganda. Kaliya 69 hay’ado gargaar ayaa hadda loo ogolaaday in ay caawiyaan 1.4 milyan oo qaxooti Ugandha ah.

Tani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhibaatada qaxootiga dalku ay ka sii dartay, taas oo ay ugu wacan tahay dib u soo noqoshada rabshadaha ee dalka deriska la ah sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo saameynta cudurka faafa ee COVID-19.

Dowlada Yugaandha ayaa sheegtay in qaar badan oo kamid ah ururada aan dawliga ahayn ee shaqada laga joojiyay aysan haysan Sharciyo rasmi ah oo ay kula shaqeeyaan xafiiska raysal wasaaraha. Waxa ay sidoo kale ku shaqeynayeen rukhsado dhacay, ama waxa ay wadeen mashaariic aan loo fasixin. Si kastaba ha noqotee, hay’adaha aan u hoggaansamayn lama xirin weligood.

Wasiirka u qaabilsan qaxootiga Yugaandha Hilary Onek, ayaa sheegay in dhamaan hayadaha samafalka ee aan u hogaansamin ay qasab ku tahay in ay dukumiintiyadooda ku hagaajiyaan xafiiska ururada aan dawliga ahayn ee qaranka. Marka loo eego Sharciga Ururada Aan Dowliga Ahayn, ma jiro urur ka hawlgeli kara Ugaandha ogolaansho la’aanta xafiiska.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post