939 Views

Macalimuu “ Rooble diyaar buu u yahay sii wadidda wadahadallada mucaaradka”

Macalimuu  “  Rooble diyaar buu u yahay sii wadidda wadahadallada mucaaradka”
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada mucaaradka.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Macalimuu oo qoraal soo dhigay bogga Facebook.

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli Khamiistii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobo la xiriira geeddi socodka hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Mucaaradka ayaa dhawaan madaxweynaha ku eedeeyay in uu ‘carqaladeynayo’ wadahadallada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post