2517 Views

Gaas Oo Dib ugu laabtay Garowe, kana hadlay dagaalka Tukaraq

Gaas Oo Dib ugu laabtay Garowe, kana hadlay dagaalka Tukaraq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 17, 2018 – Madaxweynaha Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo saaka dib ugu laabtay Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

Gaas oo ka tagay Magaalada Baydhabo halkaaai oo uu kaga qayb galay shirkii Golaha iskaashiga Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa markii uu tagay Magaalada Garowe wuxuu ka hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq.

Madaxweynaha Puntland oo ay ka muuqato caro fara badan ayaa sheegay dagaalka deegaanka Tukaraq inuu sii socon doono inta Puntland ay ka xureynayso deeganada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas wuxuu daboolka ka qaaday in marnaba uusan istaagi doonin dagaalka inta deegaanada Sool ee gacanta Puntland ka maqan yihiin.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo kala duwan ku dhexmareen labada dhinac.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment