819 Views

Dadkii Somaliland soo musaafurisay oo maalintii labaad gaaray Baydhabo

Dadkii Somaliland soo musaafurisay oo maalintii labaad gaaray Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 10, 2021=Maanta ayaa waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray qaar kamid ah dadkii Soomaliland asoo musafurisay magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo malmihii la soo dhaafay wadada kusoo jiray.

Dadkan oo saarnaa Gawaarida waaweyn ayaa waxaa ay safar dhinaca dhulka ah kusoo mareen degaano ka tirsan Maamulada Puntland, Galmudug & hir-Shabeelle, iyaga oo ugu dambeyn gaaray magaalada Baydhabo.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada ayaa dadkaasi soo dhaweeyay, iyada oo dib u dejin loogu sameeyay meelo kamid ah Magaalada baydhabo.

Xubnaha Guddiga Wasiirada ah ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u xilsaaray la socoshada xaalada dadka Somaliland soo musaafurisay ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa in Maanta markale ay diyaarad kusoo qaadaan qaar kamid ah dadkaas.

Somaliland ayaa aad loogu dhaleeceeyay tallaabada ay kusoo musaafurisay dadka shacabka ah ee kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Magalada laas-Caanood, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qeyb ka ahaayeen amni darrada kajirta Magaalada.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post