690 Views

Meydad horleh oo lagu arkay xaafado ka tirsan magaalada Guriceel

Meydad horleh oo lagu arkay xaafado ka tirsan magaalada Guriceel
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 27, 2021

 Xaaladda magaalada Guriceel ayaa saaka deggan, waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Ahlu Sunna maalmihii ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa isla markii howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadaha qaar lagu arkay meydad horleh oo ka mid ah dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale waxaa xaafadaha qaar lagu arkay qabuuro cusub oo lagu aasay meydad kale oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday intii ay dagaalladu socdeen.

Ahlu Sunna ayaa wada-hadal uga baxday magaalada kadib dadaallo dheeraad ah ay sameeyeen ganacsato iyo rag siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Galmudug

Si kastaba, xoogaga Ahlu Sunna ay haatan gaareen deegaanka Godwiil oo dhaca dhanka waqooyi degmada Guriceel.

Guriceel waa magaallo ganacsi oo ballaaran, hayeeshee waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay u xudun u noqotay xiisadda u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Galmudug.

By Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post