1452 Views

Ma ogtahay in xilliga aad habeen walba seexato ay saameyn weyn ku leedahay caafimaadkaaga?

Ma ogtahay in xilliga aad habeen walba seexato ay saameyn weyn ku leedahay caafimaadkaaga?
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

Saacadaha u dhaxeeya 10pm iyo 11pm – oo la seexdo ayaa lala xiriiriyay caafimaadka wanaagsan, sida ay sheegayaan baarayaal tijaabo ku sameeyay 88,000 oo qof.

Kooxdan ayaa sheegay in xilli hore oo uu qofku seexdo ay yareyn karto khatarta wadno garaaca iyo wadno istaaggaba.

Waxay sidoo kale saameyn ku yeelan kartaa dhiig-karka.

Daraasaddan, oo lagu daabacay Wargeyska Wadnaha ee Yurub ayaa xog ka soo uruurisay xilliga la seexdo lana soo kaco muddo toddoba maalmood ah, iyadoo la adeegsanayo qalab lagu xiray dadka ka qeyb qaatay daraasadda.

Waxaa kaddib dabagal lagu sameeyay waxa ku dhacay dadka daraasadda ka qeyb qaatay iyadoo la eegayo waxa ku dhici doona caafimaadka wadnahooda muddo lix sano ah.

In ka badan 3,000 oo qof ayaa waxaa la soo gudboonaatay xaalad dhanka wadnaha ah, waana dadkii xilli dambe seexanayay.

Mid ka mid ah baarayaasha daraasadda ayaa sheegay in qofka oo hurdo ku filan hela ay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, iyadoo dadka waaweyn kula talisay inay helaan toddoba ilaa sagaal saacadood oo hurdo ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post