1074 Views

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 22, 2019 —Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,howlgalkas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

 

Howlgalkana ayaa waxaa fuliyay Ciidanka xoogga dalka Ururka 48 Guutada 1aad ee qeybta 43aad,waxaana laga fuliyay deegaano duleedka ka ah degmada Buurdhuubo,waxaana saraakiisha howlgalka hoggamineysay ay sheegeen inay la wareegeen deegaanadaas, iyada oo uusan dhicin wax dagaal ah.

 

 

 

Mid ka mid ah saraakiisha holwgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen deegaan lagu Magacaabo Qoraxi oo 20km u jirta degmada Buurdhuubo,isla markaana ay doonayeen inay dadka Shacabka ah lacago ka qaadaan.

 

Waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Agab Ciidan oo ay tuuladaas uga tageen Al-Shabaab,isla markana Ciidamada xoogga dalka ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan tuulooyinka hoostaga degmada Buurdhuube.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment