1446 Views

Sawirro:-Shir U Dhaxeeya Dowladda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Furmay Muqdisho

Sawirro:-Shir U Dhaxeeya Dowladda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 17, 2019Shirka heerka sare deeqbixiyeyaasha ee taageeridda wacyigalinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowladda federaalka ah, dowlad gobolleedyada iyo madax ka socota beesha caalamka ayaa Maanta ka furmay muqdisho.

Waxaa goobjoog ka ah shirkaan wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya masuuliyiin ka socda maamul-gobaleedyada iyo xubno sar sare oo ka socda beesha caalamka.

Dhamaadka shirkaan waxa lagu soo bandhigi doonaa wixii la isla meel dhigay ee ku aadan istaraatiijiyadda wacyigelinta qaranka hanaanka deeqbixiyaasha iyada oo xubnaha metelaya maamulada dalka ka jirana ay deegaanadooda dib ugu celin doonaan hanaanka si looga hirgelinayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment