1026 Views

laamaha Amniga dowlad degaanka oo ka hadlay dilka qof Shacab ah

laamaha Amniga dowlad degaanka oo ka hadlay dilka qof Shacab ah
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 6da Maarso, 2021:
-Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ee Maamulka Magaalada Godey ayaanrasaas ku furay Goob ay ku sugnaayeen dad Shacab ah, halkaas oo ay doonayeen inay howlgal ka sameeyaan.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Amniga ay tageen goob lagu uruuriyo dhalinyarta tahriibka ah oo ku taala xaafada 3aad ee magaalada Godey, waxaana ay keentay inay kala cararaan dhalinyaradii ,waxaana rasaas ay Ciidamada fureen ku dhintay Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray  Munasar Mukhtaar Cabdi-qani.

Taliyaha Booliska gobolka Shabeelle Gashaanle Sare, Xasan Macalin Maxamad ayaa sheegay in Dhimashada marxuumka ay dhalisay rabshado ay sameeyeen qaybo ka mid ah shacabka, oo banaanbaxyo rabshadaysan ka dhigay qaybo ka mid magaalada Godey..

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xabsiga loo taxaabay askarigii lagu tuhmayay in uu dilka gaystay, waxaa uuna intaas raaciyay in xubno ka tirsan Ciidamada amaanka iyo maamulka gobolku la kulmeen una tacsiyadeyeen ehliyada uu marxuumku ka baxay, xaalada magaaladuna ay degantahay.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Gobolka Shabeelle Gaashaanle Sare Xasan Macalin Maxamed ayaa hadalkiisa intaas ku daray in shacabku ay xaq u leeyihiin in ay cabiraan dareenkooda hase ahaate aan loo baahnayn wixii khasaare iyo dhibaato dhalin kara ee ka dhasha isu soobaxyadda aan sharciga ahayn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post