831 Views

Madaxweyne Waare oo Dowladda Somalia kala hadlay fataadahaha Beledweyne

Madaxweyne Waare oo Dowladda Somalia kala hadlay fataadahaha Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta Cudurka Safmareenka ah ee COVID19,kaas oo looga hadlay arrimaha dhowr ah.

Kulanka oo u qabsoomay hab muuqaal Internetka ah sababo la xiriira Cudurka Coronavirus ayaa waxaa markii ugu horeeysay ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,isaga oo kala hadlay arrimaha fatahaadaha iyo ka hortagga COVID-19.

Madaxweyne Waare ayaa Guddiga siiyay Warbixino la xiriira sida ay u socdaan xaalaha gurmadka fatahaadaha iyo ka hortagga Cudurka,waxaana uu Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay garab ka siiyaan Maamulka la tacaaliada xaaladaha ka jira Hir-Shabeelle.

Xubnaha guddiga oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay Maamulka Hir-Shabeelle dadaalada loogu jiro la tacaalida xaaladaha fatahaadaha iyo Cudurka COVID-19.

Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kamid yahay Maamul goboleedyada xiriirka wanaagsan uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya,waxaana dhawaan ay dowladda u dirtay lacag wax looga qabanayo xaaladaha fatahaadaha taas oo ay ku deeqeen dowladaha taageera Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment