771 Views

Rag hubaysan oo isku dayay inay mindi ku dilaan madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Mali

Rag hubaysan oo isku dayay inay mindi ku dilaan madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Mali
____________________________________________________________________________

\Arbaco: july 21 2021

Rag hubaysan ayaa isku dayay inay mindi ku dilaan madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Mali Assimi Goïta masaajid ku yaal caasimada Bamako.

Taliye Goïta ayaa kaqeyb galayay munaasabadda Ciidul Adxaa isaga oo ku tukanayay Masjidka weyn.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ragii weerarka soo qaaday la qabtay, sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee AFP ayna tiradoodu ahayd laba.

Ilaa hadda ma cadda in Jeneraal Goïta, oo hogaaminayay afgambi milateri bishii Ogosto ee lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas uu dhaawacmay iyo in kale.

Wasiirka Arrimaha Diinta Mamadou Kone ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in nin uu “isku dayay inuu madaxweynaha ku dilo mindi”.

Kadib afgembigii sanadkii hore hogaamiyahan milatariga ah ayaa doonayay in uu hogaamiyo dowladdan ku meel gaaraka ah ee qabanqaabinayso doorasho inay dalkaasi ugu dhacdo muddo 18 bilood islamarkaasina xikunka dib loogu celiyo rayidka.

Ururka ECOWAS ee heshiiskaasi marki hore garwadeen ka ahaa ayaa weli wuxuu ku doodaya in xukunka shacabka lagu soo celiyo.

Balse Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa ah ninka ugu awoodda badan dalkan aan xasiloonida lahayn ee ku yaala galbeedka Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post