912 Views

Golaha Amaanka oo lagu wado in maanta uu kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada doorashooyinka Soomaaliya.

Golaha Amaanka oo  lagu wado  in maanta uu kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada doorashooyinka Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho Qol  March 12  2021

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada is mari waaga ah ee wali ka taagan qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

Caalamka ayaa ka walaacsan in khilaafka doorashada uu sababo in Somalia ay dib ugu laabato dagaaladii sokeeye.

Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada Qaramada Midoobay uu u gudbiyo shirkaasi loo dhan yahay.

Golaha amaanka ayaa sidoo kale la filayaa iney go’aano ka soo saaraan xaalada Somalia iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka.

Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gaba-gabada kulanka loogu soo daro Warsaxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.

Doorashada waqtigeeda dhaaftay ee soomaaliya ayaa abuurtay jawi cabsi leh oo xasiloonida Soomaaliya laga wada muujinayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post