606 Views

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo  galabta soo gaaray magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Waxaa garoonka diyaaradaha kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt Gen Diomede Ndegeya, Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska Augustine Magnus Kailie.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed iyo Ra’iisul Wasaaraha H.E. Maxamed Xuseen Rooble.
Waxay sidoo kale la kulmi doonaan shuraakada caalamiga ah iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post