390 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo goor dhaw u safraya dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Shiikh oo goor dhaw  u safraya dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Isniin: August 8, 202

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maamta oo Isniin ah u safraya magaalada Kampala ee dalka Uganda, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa la filayaa kadib markii uu dalkaas gaaro inuu sii joogo muddo saddex maalmood ah, isagoo madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo maadxweyne Yoweri Museveni uu kulamo la qaato, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka labada dal, kaas oo leh dhinacyo kala duwan.

Sidoo kale, inta uu dalkaas ku sugan yahay Madaxweynaha wuxuu booqasho ku tegi doonaa beerta warshadaha ee kapeeka iyo Warshadaha NEC ee magaalada Nakasongola.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa xariga ka jari doono dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kampala kahor inta uusan la hadlin madaxda ganacsiga Soomaaliya.

Intaa kadib, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kula biiri doono dhiggiisa dalka Uganda Museveni khudbad uu ka jeediyo shirka maalgashiga iyo ganacsiga ee Spoke Resort Munyonyo.

Tan iyo doorashadiisii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu safaro ku kala tegay dalalka dariska ah iyo kuwa kale.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post