585 Views

Musharax Mustaf dhuxulow “ Dalkaan waxa uu ka adag yahay Xiligii Jabhadaha dalka iyo Kacaankii, waxaana arintaas Mas’uul ka ah Fahad iyo farmaajo..

Musharax Mustaf dhuxulow “ Dalkaan waxa uu ka adag yahay Xiligii Jabhadaha dalka iyo Kacaankii, waxaana arintaas Mas’uul ka ah Fahad iyo farmaajo..
____________________________________________________________________________

Musharax Mustaf sh. Cali dhuxulow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee u taagan Doorashada Madaxweynaha 2021- ayaa aad uga Dayriyay in doorasho Xalaal ah ay ka dhacdo Dalka, waxa uuna eeda dusha uga tuuray Dowlada haatan jirtay oo uu ku tilmaamay mid Musuq maasuq caado ka dhigatay.

Dhuxulow ayaa sheegay in Fahad iyo Farmaajo halka ay dalka ku wadaan ay tahay tii dalka ka dhacday 1991-dii. Waxa uuna ka digay in ay kaligood isla Qumanaadaan.

“ Waxaan ka digaynaa in Dalka  ay ku takri falaan laba qof, oo dalka sinaantiisa iyo sharcigiisa ay dad gaar ah gacanta u gasho, taasina waa tii la eeday 1991-dii waxaan leenahay Farmaajo iyo Fahad dalka waala idinla leeyahay”ayuu yiri mar kale Musharax Xildhibaan Mustaf dhuxulow oo aad uga Dayriyay Gudiga Doorashada oo ay magacaawday Dowlada.

Sidoo kale dhuxulow oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa u jeediyay Villa Somaliya in ay Gudiga Doorashada Dalka ay ka dhigto dhex dhexaad wixii dhibaato ka imaada Doorashadaas ay dusha saran doonto.

Abdihakim Elmi hassan

Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post